Source
Captured Post Date:
Translated Author:
Author: Radio Risaala
Translated Content:
US warplanes carried out a heavy airstrike last night near the Miraale River in Bari region, where ISIS members had fled after Puntland forces completely took control of the river. Officers leading Puntland forces in the front lines said they heard a loud bang south of Miraale, where ISIS fighters are suspected of fleeing from their key bases and wells in the Miraale River. The Puntland Operation Calmiskaad Command confirmed the US airstrike in a brief statement, noting that the target was an ISIS convoy heading towards the Calmiskaad mountains. “Some of the terrorist convoys that fled from the Miraale River were bombed by the US-backed Puntland government, and were targeted as they were fleeing south of Miraale,” the Command’s press release said.
Content:
Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Mareykanka ayaa xalay duqeyn culus ka fuliyay meel u dhow Togga Miraale ee gobolka Bari, halkaas oo ay firxadeen xubno ka tirsan kooxda Daacish kadib markii ay ciidamada Puntland si buuxda ula wareegeen toggaasi.Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Puntland ee ku sugan furimaha hore ayaa sheegay in ay maqleen jug xooggan oo ka dhacday dhanka koonfureed ee Miraale, halkaas oo la tuhunsan yahay in ay u firxadeen dagaalyahanno ka tirsan Daacish kuwaasoo laga saaray saldhigyadii muhiimka ahaa iyo ceelashii ay ku lahaayeen Togga Miraale.
Taliska u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee Puntland ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku xaqiijiyay duqeynta Mareykanku ay fuliyeen, isagoo xusay in beegsiga lagu bartilmaameedsaday firxadkii kooxda Daacish ee ku sii jeeday buuraleyda Calmiskaad.“Qaar ka mid ah firxadkii Argagixisada ee ka cararay Togga Miraale, waxaa duqeeyay saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka, waxaana la beegsaday iyagoo cararaya meel koonfurta uga beegan Miraale,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Taliska.