Source


URL: https://www.idilnews.com/ciidamada-puntland-oo-dagaal-ku-dilay-50-xubnood-oo-daacish-ah/?fbclid=IwY2xjawL4RutleHRuA2FlbQIxMABicmlkETFpd3NveTk4eFFxNm1EWlVyAR4rFv0ngAVjrYHDF_E78PxHbQzPr4XG4-FfXLvGRdsLCVFkRsGY6FAuZCnPhQ_aem_VKRUkFHFXUqqXPhG9YJ0yg
Archive URL: https://airwars.org/source/www-idilnews-com-idilnews-2025-06-04-110339/
Captured Post Date: 2025-06-04 11:03:39
Translated Author:
Author: IDILNEWS
Translated Content:
More than 50 ISIS terrorists have been killed in fighting between Puntland forces and ISIS militants in the past 48 hours in the Al-Miskaad mountains of Bari region.
Most of the operations took place in the Miraale and Baallade rivers, and Puntland forces, supported by Puntland and US warplanes, entered areas where ISIS militants had taken refuge, having been expelled from Miraale, the main ISIS command in the Horn of Africa.
Puntland forces lost two soldiers in the fighting, while three others were wounded.
A large number of weapons, ammunition, drones and military equipment were seized from ISIS terrorists in the operation, according to leading officials.
Puntland President Said Abdullahi Deni, who is expected to return to Bosaso today, will announce the end of Phase 3 of the operation to eliminate ISIS terrorists, and will move on to Phase 4.
During Operation Hilaa, Puntland forces cleared a large area of about 350-KM, where the terrorist group ISIS had an official presence and was carrying out terrorist acts. Their elimination brought Puntland a historic victory and international allies who were convinced that Puntland is an official friend, with military and political power.
IDILNEWS
Content:
In kabadan 50 xubnood oo katirsan argagixisada Daacish ayaa lagu dilay dagaallo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka firxadka ah ee kooxda argagixisada ah ee Daacish, kuwaas 48 saac ee u dambeysay ka socday buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari.
Howlgallada oo intooda badan ka dhacay Toggaga Miiraale iyo Baallade, waxaana ciidamada Puntland oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka Puntland iyo kuwa Mareykanka ay gudaha u galeen aaggag ay gabaad ka dhigteen firxadka kooxda Daacish, ee laga saaray Miraale oo ahaa Taliska ugu weyn ee Daacish ku leedahay Geeska Africa.
Ciidamada Puntland ayaa dagaalka ku waayay labo Askari, halka saddex kalena uga dhaawacmeen.
Hub fara-badan, rasaas, diyaarado Drone iyo saanad ciidan, ayaa argagixisada Daacish looga qabtay howlgalka, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaysa.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo lagu waddo in maanta uu dib ugu soo laabto magaaladda Boosaaso – ayaa ku dhawaaqi doona in uu soo idlaaday Wajiga 3aad ee Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish, loona gudbi doono Wajiga afaraad.
Inta uu socday howlgalka Hillaac, ciidamada Puntland ayaa sifeeyay dhul ballaaran oo gaaraya ilaa 350-KM, kuwaas oo kooxda argagixisada ah ee Daacish ku lahayd joogis rasmi ah, kana geysan jireen falal argagixiso. Soo afjaridooda ayaa Puntland u soo hoyisay guul taariikhi ah iyo xulufo caalami ah oo ku qancay in Puntland ay tahay saaxiib rasmi ah, oo leh awood ciidan iyo mid siyaasadeed.
IDILNEWS

Additional Details

Captured Date
2026-03-18 19:43:04
Captured Post ID

Element