Source


URL: https://www.facebook.com/DaljirMultimedia/posts/pfbid02kJ4aHUi5gCk7K2J6g1Uw1YMm4EWKR31B1HpHhU449CQnhTKxyX2YnErBBu5Ns6wul
Archive URL: https://airwars.org/source/www-facebook-com-daljir-media-pfbid02kj4ahui5gck7k2j6g1uw1ymm4ewkr31b1hphhu449cqnhtkxyx2ynerbbu5ns6wul-2025-09-09-160000/
Captured Post Date: 2025-09-09 16:00:00
Translated Author:
Author: Daljir Media
Translated Content:
Somali intelligence agency says one of the leaders of the AS was killed.
The Somali National Intelligence and Security Agency, known as NISA, said that a planned operation killed a member of the Al-Shabaab leadership, who was known as Mohamed Abdi Dhiblawe, and had several other names under which he operated.
The attack that killed the man, which was a joint operation between the Somali government and its international partners, took place in the Ugunji area of the Lower Shabelle region, according to a statement released by NISA.
NISA said the man who was killed, and who was targeted, was the man who planned the bomb attack on the convoy of Somali President Hassan Sheikh Mohamud in the Ceelgaabta neighborhood of Mogadishu in March 2025, and had also carried out other bomb attacks in the past.
Daljir Media
Content:
Sirdoonka Soomaaliya oo sheegay in la dilay mid ka mid ahaa madaxda AS.
Hay'adda nabadsugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee marka magaceeda la soo gaabiyo looyaqaan NISA ayaa sheegay in hawlgal qorshaysan lagu dilay nin ka tirsanaa madaxda Alshabaab, kaasoo lagu maacaabi jiray Maxamed Cabdi Dhiblaawe, lahaana dhawr magac oo kale oo uu ku hawlgali jiray.
Weerarka ninkaan lagu dilay oo ahaa mid ay iska kaashadeen dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka, waxaa uu ka dhacay deegaanka Ugunji oo gobolka Shabeelaha hoose ah, sida lagu caddeeyey wae ka soo baxay NISA.
NISA waxay sheegtay ninka la dilay, lana bar-tilmaameedsaday in uu ahaa ninkii qorsheeyey weerarkii qarax ee kolanyada madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud lagula beegsaday xaafadda Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho bishii Maarso ee sannadkaan 2025, sidoo kalana uu horay u fuliyey weeraro qarax oo kale.
Daljir Media
Images:

Additional Details

Captured Date
2026-04-02 21:11:36
Captured Post ID
pfbid02kJ4aHUi5gCk7K2J6g1Uw1YMm4EWKR31B1HpHhU449CQnhTKxyX2YnErBBu5Ns6wul

Element