Source
Captured Post Date:
Translated Author:
Author: Radio Risaala
Translated Content:
This morning, the bodies of Al-Shabaab militants who carried out yesterday’s ambush attack on Ceeldheer district in Galgaduud region are being collected. The Somali National Army is conducting extensive operations around the city to ensure security and to clear the city of any remaining threats from yesterday’s attack. In addition, government forces, with the support of the local population, are conducting searches and military operations this morning to track down Al-Shabaab members who survived the battle, who are said to have fled to rural areas. The Somali government said that the hunt for the attackers is still ongoing, and will not end until all remaining threats in Galgaduud region are eliminated. On the other hand, some of the soldiers injured in yesterday’s battle were taken to Mogadishu this morning, and are being treated at the Somali National Army Hospital in the capital, where their health conditions are being closely monitored.
Content:
Saaka waxa socda uruurinta meydadkii maleeshiyaadkii Al-shabaab ee shalay weerarka gaadmada ah ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada ka wada howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo in magaalada laga sifeeyo khatar kasta oo ka hartay weerarkii shalay.Sidoo kale, ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka deegaanka ayaa saaka sameynaya baaritaanno iyo dhaqaaq ciidan oo lagu raadraacayo xubnihii Al-Shabaab ee ka badbaaday dagaalka, kuwaas oo la sheegay in dhabbaha miyiga u carareen.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weli uu socdo baacsiga lagu hayo kooxihii weerarka soo qaaday, isla markaana aysan dhamaan doonin ilaa laga ciribtiro dhamaan khataraha ku harsan gobolka Galgaduud.Dhanka kale, qaar ka mid ah askartii ku dhaawacantay dagaalkii shalay ayaa saaka loo qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo lagu dabiibayo Isbitaalka Xoogga Dalka ee caasimadda, halkaas oo xaaladooda caafimaad si dhow loola socdo.