Source
Captured Post Date: 2026-01-05 17:00:00
Translated Author: Radio Galkayo
Author: Radio Gaalkacyo
Translated Content:
CALMISKAAD || US conducts three-day airstrikes against ISIS
The US government, in a brief statement, confirmed that it has carried out a series of airstrikes against ISIS in the Calmiskaad mountains of Bari (Puntland) region.
The US Africa Command, which announced the news, said that the airstrikes took place from January 1st to January 3rd, 2026, according to a statement issued by AFRICOM.
AFRICOM added that the airstrikes were carried out approximately 70km southeast of the city of Bosaso, but did not provide details on the losses suffered by the group.
Content:
CALMISKAAD || Maraykanka oo mudda saddex cisho ah duqeyn ku waday kooxda ISIS
Dowladda Maraykanka oo bayaan kooban soo saartay ayaa xaqiijisay in ay duqeymo is daba jooga ah ku garaacday kooxda ISIS ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari (Puntland).
Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM oo warkan shaaciyay ayaa sheegay in duqeymahaasi socdeen laga bilaabo 1th ilaa 3th bishan Jannaayo ee sannadka cusub 2026, sida ku cad bayaan uu soo saaray AFRICOM.
Taliska AFRICOM wuxu intaasi ku daray in duqeymaha uu ka fuliyay meel qiyaastii 70km koonfur bari ka xigta magaalada Boosaaso, balse faahfaahin kama bixin khasaarihii kooxda gaaray.