Source
Captured Post Date: 2026-01-14 17:00:00
Author: Sahan Media tv
Translated Content:
The attack took place in Buur Heybo, about 154 kilometers (97 miles) from Mogadishu.
The United States has increased its airstrikes in Somalia this January, targeting Al-Shabaab and ISIS, according to the U.S. Africa Command (AFRICOM).
On January 12, AFRICOM said that U.S. forces, working with the Somali federal government, had conducted airstrikes against Al-Shabaab militants.
AFRICOM said the operation was part of an ongoing effort to degrade the group’s ability to threaten the United States, U.S. forces, and U.S. personnel abroad.
Airstrikes against ISIS-Somalia were also reported on January 9 and 11 in northern Somalia, including in the Golis Mountains of Puntland, southeast of Bosaso.
Another airstrike targeting al-Shabaab was reported on January 8 in the Buur Heybo area, about 154 kilometers northwest of Mogadishu.
AFRICOM said in a statement that the strikes were part of a broader campaign with Somali partners. No casualties were reported.
The series of operations comes at a time of increasing U.S. airstrikes in Somalia.
According to AFRICOM, the Trump administration has conducted 38 airstrikes against al-Shabaab and the Islamic State in Somalia since its first airstrikes in 2025.
Independent groups have reported an increase in attacks since President Donald Trump took office in 2024, according to a report by the Counterterrorism Center.
The report cited a statement by AFRICOM commander Gen. Michael E. Langley testified before the Joint Chiefs of Staff, describing the threat posed by jihadist groups in Africa to the United States.
“We are acutely aware that if ISIS and al-Qaeda continue to expand, they will pose a direct threat to the United States,” Langley said.
Content:
Weerar ka dhacay Buur Heybo oo qiyaastii 154 KM u jirta magaalada Muqdisho.
Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha uu ka fuliyay Soomaaliya bishan Janaayo, isagoo la beegsaday weerarro Al-Shabaab iyo Daacish, sida uu sheegay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).
12-kii Jannaayo, AFRICOM ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay fuliyeen duqeymo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.
AFRICOM waxay sheegtay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda kooxda ee ah in ay u hanjabaan dalka Mareykanka, ciidamada Mareykanka iyo kuwa Mareykanka ee dibadda ku sugan.
Duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhan ah Daacish-Soomaaliya ayaa sidoo kale laga soo sheegay Jan 09- kii iyo 11-keedii Waqooyiga Soomaaliya, meelahaas oo ay ku jiraan Buuraha Golis ee Puntland, Koonfur Bari ee Boosaaso.
Weeraro kale oo dhanka cirka ah oo lala beegsaday Al-Shabaab ayaa la sheegay in 8-dii Jannaayo ay ka dheceen agagaarka Buur Heybo oo qiyaastii 154 KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.
AFRICOM ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in duqeymahaasi ay qeyb ka ahaayeen olole ballaaran oo lala sameeyay saaxiibada Soomaaliya. Lama sheegin khasaaraha ka dhashay.
Howlgalladan is daba jooga ah ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ee Soomaaliya.
Sida lagu sheegay xog ay baahisay AFRICOM, Maamulka Trump duqaymihii ugu horreeyay ee 2025 illaa hadda wuxuu qaaday 38 weerar oo xagga cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Dawladda Islaamiga ah ee Soomaaliya.
Ururada madaxa banaan ayaa sheegay in ay kordheen weerarada tan iyo markii uu madaxweyne Donald Trump ku soo noqday xafiiska 2024-kii, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Xarunta La-dagaalanka Argagixisada.
Warbixintu waxay soo xigatay hadal uu bishii Abriil 2025 taliyaha AFRICOM Gen. Michael E. Langley ka hor jeediyay guddiga sare ee ciidamada qalabka sida, kaas oo uu ku tilmaamay khatarta kooxaha jihaad doonka ah ee Afrika ay ku hayaan dalka Maraykanka.
“Waxaan si weyn ula soconaa in haddii kooxaha Daacish iyo Al-Qaacida ay sii wadaan is ballaarinta, ay khatar toos ah ku keeni doonaan dalka Mareykanka,” ayuu yiri Langley.