Source
Captured Post Date: 2026-01-12 17:00:00
Translated Author:
Author: Ali Adan Mumin
Translated Content:
The US Africa Command (AFRICOM) in cooperation with the Federal Government of Somalia conducted an airstrike on ISIS Somalia on January 9, 2026.
The strike occurred in the Golis Mountains area, approximately 33km southeast of the city of Bosaso.
The statement said; AFRICOM, with the support of the Federal Government of Somalia and the Somali National Army, continues operations to degrade ISIS Somalia so that it does not pose a threat to the security of the United States, its troops, and its citizens abroad.
No details have been provided so far on the casualties caused by the airstrike carried out by the Somali and US forces.
Ali Adan Mumin
Content:
Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee (AFRICOM) oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 9-kii Jannaayo 2026 fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu beegsaday ISIS Soomaaliya.
Duqeyntu waxay ka dhacday agagaarka buuraha Golis, oo qiyaastii 33km koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso.
Warkaan ayaa lagu yiri; AFRICOM, iyadoo garab ka helaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay sii wadaysaa howlgallada lagu wiiqayo awoodda ISIS Soomaaliya si aysan u khatargelin amniga Mareykanka, ciidamadiisa, iyo muwaadiniintiisa dibadda ku sugan.
Faahfaahin lagama bixin illaa hadda khasaaraha ka dhashay duqeynta ay fuliyeen ciidamada isgarabsanaya ee Soomaaliya iyo Mareykanka.
Ali Adan Mumin