Source


URL: https://www.facebook.com/shiine.mohamed12345678/posts/jabad-godane-dagaal-culus-oo-saakay-aroornimadii-ka-billowday-deegaanka-jabad-go/908172955099797/
Archive URL: https://airwars.org/source/www-facebook-com-mohamed-shiine-2026-01-26-170000/
Captured Post Date: 2026-01-26 17:00:00
Translated Author: Mohamed Shinie
Author: Mohamed Shiine
Translated Content:
Jabad Godane Heavy fighting that began this morning in the Jabad Godane area is still ongoing, after the Somali National Army launched a planned multi-pronged attack on Al-Shabaab extremist groups.
Sources say that the fighting is very intense, and that various weapons are being used, and it is still difficult to obtain official details about the casualties.
The situation in the area remains tense, and military movements are ongoing on both sides, which makes it difficult to fully confirm further information at this time.
We will share with you any further details about the situation in the war in our next news.
Content:
Jabad Godane Dagaal culus oo saakay aroornimadii ka billowday deegaanka Jabad Godane ayaa weli si xooggan u socda, kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay weerar qorsheysan oo dhowr jiho ah ku qaadeen kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid aad u xooggan, isla markaana la isku adeegsanayo hub kala duwan, iyadoo ilaa iyo hadda ay adag tahay in la helo faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay.
Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo labada dhinac ah, taas oo adkeyneysa in si buuxda loo xaqiijiyo macluumaad dheeri ah waqtigan.
Wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha xaaladda dagaalka, wararkeena xiga ayaan idiin kula wadaagi doonnaa.
Images:

Additional Details

Captured Date
2026-04-07 19:45:22
Captured Post ID

Element