Source


URL: https://www.caasimada.net/df-somalia-oo-guul-wayn-ka-sheegatay-howlgalkii-jamaame/
Archive URL: https://airwars.org/source/www-caasimada-net-caasimada-online-2026-02-10-130028/
Captured Post Date: 2026-02-10 13:00:28
Translated Author: Jamal Mohamed
Author: Caasimada Online
Translated Content:
Kismayo (Caasimada Online) – The Federal Government of Somalia in a press release reported a major operation that took place today on the outskirts of Jamaame town in Lower Juba region, which was carried out jointly by Danab and Jubbaland commandos.
The Ministry of Defense, which released the statement, said that the attack, which was followed by direct fire, killed 14 terrorists and wounded others.
“The Danab Special Forces of the Somali National Army, in collaboration with the security forces of the Jubaland Regional State, today carried out a planned operation targeting the Khawarij militias, which took place in areas under the control of Jamaame town in Lower Juba region. The operation killed 14 terrorists, another was wounded, while the other militants fled the scene,” the statement said.
The Somali government also said that it will continue the operation, and is committed to eliminating terrorist groups in the regions of the country.
“The Ministry of Defense and the Somali National Army Command reiterate their commitment to eliminating Khawarij terrorism, so that the Somali people can live in peace and stability, and ensure the overall security of the country,” it added.
The Jubbaland and Danaba forces have been conducting intensive preparations in recent days to target Al-Shabaab bases in the Lower Juba region, especially around the Jamaame district, where the group has been organizing attacks against the forces in recent times.
Recently, a large-scale operation in the Lower Juba region killed nearly 30 members of the Khawarij who had fled from the Kudhaa area of the region.
However, the Federal Government has announced that these operations are part of efforts to ensure security and eliminate the remnants of the Khawarij, to prevent them from carrying out attacks there again.
Content:
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka warbixisay howlgal culus oo maanta ka dhacay duleedka demada Jamaame ee Gobolka Jubba Hoose, kaas oo ay si wadajir ah u qaadeen ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland.
Wasaaradda Difaaca oo shaacisay qoraalka ayaa sheegtay in weerarka oo uu xigay dagaal toos ah lagu dilay 14 dhagar-qabe, laguna dhaawacay kuwa kale.
“Ciidamada Gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya ciidamada amniga Dowlad-Goboleedka Jubaland, ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta,  kaas oo ka dhacay deegaanno hoos yimaada magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka waxaa lagu dilay 14 dhagar-qabe, mid kalena waa la dhaawacay, halka maleeshiyaadkii kale ay ka carareen goobta” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale waxay dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay si wadi doonto howlgalka, ayna ka go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada ee ku sugan gobollada dalka.
“Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay adkaynayaan in ay ka go’an tahay ciribtirka argagixisada Khawaarijta ah, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni, isla markaana loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka” ayaa mar kale lasii raaciyay.
Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Danaba ayaa maalmihii u dambeeyay waday diyaar-garow xooggan oo lagu beegsanayo saldhigyada Al-Shabaab ee gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan agagaarka degmada Jamaame, halkaas oo kooxdu muddooyinkii dambe ka abaabulaysay weerarro ka dhan ah ciidamada.
Dhawaan ayey aheyd markii howl-gal ballaaran oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose lagu dilay ku dhawaad 30 xubnood oo ka mid ahaa xubnihii Khawaarijta ee ka firxaday deegaanka Kudhaa ee gobolkaasi.
Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in howl-galladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo haraadiga Khawaarijta, si looga hortago in mar kale ay weerar ka fuliyaan halkaasi.

Additional Details

Captured Date
2026-04-07 20:46:41
Captured Post ID

Element