Source


URL: https://hbnonlinetv.com/maraykanka-oo-war-cusub-ka-soo-saaray-duqeymo-lala-beegsaday-kooxda-alshabaab-oo-ka-dhacay-gobolka-hiiraan/
Archive URL: https://airwars.org/source/hbnonlinetv-com-hbn-online-tv/
Captured Post Date:
Translated Author:
Author: HBN Online TV
Translated Content:
The US Africa Command (AFRICOM) conducted airstrikes targeting Al-Shabaab on May 17, 2025, with the support of the Federal Government of Somalia (FGS).
The strikes took place near Mabah, a town in Hiran region, between Moqokori and Aden Yayal – approximately 200 km north of Mogadishu.
The operations are part of a reported concerted effort to disrupt Al-Shabaab’s ability to plan and execute attacks. “In coordination with the Federal Government of Somalia, the US Africa Command (AFRICOM) conducted airstrikes targeting Al-Shabaab near Mabah, approximately 200 km north of Mogadishu, Somalia.”
AFRICOM did not provide details on the number of Al-Shabaab casualties during the airstrikes in Hiran region, nor did it report any civilian casualties.
AFRICOM vowed to continue airstrikes against Al-Shabaab in cooperation with the Somali National Army, and to undermine Al-Shabaab's ability to plan and execute attacks that could threaten the United States, US forces, and its citizens abroad.
HBN ONLINE TV
Content:
Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay weerarro cir ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Alshabaab, taariikhdu markay ahayd 17-ka May 2025, iyadoo garab ka helaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).
Weerarrada ayaa ka dhacay agagaarka Mabaax, oo ah deegaan ku yaalla gobolka Hiiraan, wuxuuna u dhexeeya Moqokori iyo Aaden Yayaal – qiyaastiina 200-km waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.
Hawlgalladan ayaa qeyb ka ah sida la sheegay dadaallo wadajir ah oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Alshabaab ee ku aaddan qorshaynta iyo fulinta weerarro. “iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa qaaday weerarro cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay meel ku dhow Mabaax, qiyaastii 200km waqooyi ka xigta magaalada Muqdisho, Soomaaliya”.
AFRICOM ma sheegin khasaaraha soo gaaray kooxda Alshabaab intii lagu guda jiray weeraradaan duqeynta ah ee laga fuliyey gobolka Hiiraan, mana sheegin in wax khasaare ah ka soo gaaray dadka rayidka.
AFRICOM waxay ku goodisay inay sii wadi doonto duqeymaha ka dhanka Alshabaab iyadoo kaashaneysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, lana wiiqi doono awoodda Alshabaab ee ku aaddan qorshaynta iyo fulinta weerarro khatar gelin kara Mareykanka, ciidamada Mareykanka, iyo muwaadiniinteeda ku sugan dibadda.
HBN ONLINE TV

Additional Details

Captured Date
2026-03-18 18:46:43
Captured Post ID

Element