Source
Captured Post Date:
Translated Author:
Author: Horseed Staff
Translated Content:
Home / Somali News / Puntland News 6 July, 2025 The Puntland government’s defense forces have defeated the ISIS group in a 6-month battle that… The Puntland government’s defense forces have defeated the ISIS group in a 6-month battle that took place in the Al-Miskaad mountains of the Bari region. The report below lists more than 8 members of the group’s senior leaders who were killed in the battle in Al-Miskaad, their countries of origin and positions they held, and other information. 1. Ibrahim Hayaan, a native of Morocco, was the General Head of Explosives for the ISIS militia, and he established a large explosives factory for the group. 2. Dr. Xakiin Cubeyda, a native of Malaysia, was the General Head of ISIS Health, responsible for all treatment centers for the group’s fighters. 3. Marwaan Abdirisaq, a native of Tunisia, was the head of the armed foreign wing of ISIS, and he led highly trained fighters from around the world. 4. Abdihakin Badin Muwallad, a native of Yemen, was the head of what they call the party, which is equivalent to ISIS Police, and it is a wing that works like the police. 5. Barrow Abdi Ma'alin, a Somali from Gedo region, was named the head of the Shebab-Dhasaan Administration Office in the Je'el Valley (Almiskaad). 6. Ahmed Saleh Sudani, a native of Sudan, was the head of what they call 'Dawwadda', and he was responsible for misleading the public with terrorist ideas. 7. Ahmed Muse Said, a Somali from Puntland, was the head of the external relations department for ISIS militias. He was a man born in the UAE who spoke several languages. 8. Ahmed Macallineyn, a native of Oman, was the man who planned ISIS's external attacks and recruited the group's international fighters. He was killed in a drone strike. Explore more on these topicsRelated Posts
Content:
Home / Somali News / Puntland News 6 July, 2025 Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa kooxda Daacish ku jebiyey dagaalo qaatay muddo 6 bilood ah oo… Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa kooxda Daacish ku jebiyey dagaalo qaatay muddo 6 bilood ah oo ka dhacay buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.Warbixinta hoose waxaa ku xusan in ka badan 8 xubnood oo kamid ahaa hoggaamiyayaashii sarsare ee kooxdaasi looga diley dagaalka Cal-miskaad, dalalka ay ka soo jeedeen iyo xilalka ay ka hayeen iyo macluumaad kale.1. Ibraahim Xayaan oo u dhashay dalka Marooko wuxu ahaa Madaxii guud ee Qaraxyada u qaabilsanaa mileshiyaadka Daacish, waxaana uu kooxda u sameeyay warshad weyn oo qaraxyada farsamaysa.2. Dr. Xakiin Cubeyda oo u dhashay dalka Malaysiya wuxu ahaa Madaxii guud ee Caafimaadka Daacish, isagoo ka mas’uul ahaa dhammaan xarumaha lagu daweeyo dagaalyahannada kooxdaasi.3. Marwaan Cabdirisaaq oo u dhashay dalka Tuunis wuxu ahaa Madaxii Garabka Ajaanibta hubaysan ee argagixisada Daacish, waxaana uu hoggaamin jiray dagaalyahanno dunida isaga yimid oo tababarkoodu aad u sarreeyo.4. Cabdixakiin Badiin Muwallad oo u dhashay dalka Yemen wuxu ahaa Madaxii guud ee waxay ku sheegaan Xisbada una dhigma Booliska Daacish, waana garab u shaqeeya sida Booliska oo kale.5. Barrow Cabdi Macallin waa Soomaali ka soo jeeda gobolka Gedo wuxu ku magacownaa Madaxa guud ee Xafiiska Maamulka degaannada Sheebaab-Dhasaan ee togga Jeceel (Calmiskaad).6. Axmed Saalax Suudaani oo u dhashay dalka Suudaan wuxu ahaa Madaxa guud ee waxay ku sheegaan ‘Dacwadda’ waxaana uu qaabilsanaa in uu dadka Caamada ah ku qaldo afkaarta argagixisada.7. Axmed Muuse Siciid waa Soomaali ka soo jeeda Puntland wuxu ahaa Madaxii guud ee Xiriirka dibadda u qaabilsanaa mileeshiyaadka Daacish waa nin ku dhashay dalka UAE oo luuqado kala duwan ku hadli jiray.8. Axmed Macallineyn oo u dhashay dalka Cummaam wuxu ahaa ninka qorsheeya weerarrada dibadda ee argagixisada Daacish sidoo kale dunida ka soo waarida dagaallamayaasha caalamiga ah ee kooxda. Wuxu ku dhintay duqeyn. Explore more on these topicsRelated Posts