Source
Captured Post Date: 2025-06-29 11:44:52
Translated Author:
Author: Kaab TV News
Translated Content:
Lower Juba (KAAB TV) – News from Lower Juba region indicates that the Jubbaland State Security Forces, in collaboration with the Danab Commandos of the Somali National Army and international partners, carried out a planned operation in areas under Lower Juba.
Jubaland media reported that the operation took place in the village of Maqooqaha, approximately 13km west of the Bulo-Haji area in Lower Juba region.
The officers leading the operation revealed that the carefully planned operation targeted hideouts of Al Shabaab fighters.
More than 37 Al Shabaab members were killed in the operation, including senior leaders. The officers leading the operation said that the information and names of these leaders will be officially released.
Jubaland media noted that such operations are evidence of the Jubbaland State Government's commitment to eliminating Al Shabaab from the areas where they are still trying to hide. In recent days, there have been successive operations by Jubbaland forces, supported by Danab and international partners, to weaken the power of the Al Shabaab group.
Content:
Jubadda Hoose (KAAB TV) –Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo kaashanaya Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay degaano hoos taga Jubadda Hoose.
Howlgalkaan ayay warbaahinta Jubaland ay tilmaamtay inuu si gaar ah uga dhacay Tuulada Maqooqaha, oo qiyaastii 13km dhanka Galbeedka kaga beegan Deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubadda Hoose.
Saraakiisha Howlgalkaan hogaamineysay ayaa shaaca ka qaaday in Howlgalka oo si xeel dheer loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al shabaab.
Waxaana howlgalkaan lagu dilay in ka badan 37 xubnood oo ka tirsan kooxda Al shabaab, oo ay ku jireen horjoogeyaal sare. Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa sheegay in Xogta iyo magacyada horjoogeyaashaasi si rasmi ah loo soo bandhigi doonaa.
Warbaahinta Jubaland ayaa xustay in howlgallada noocaani oo kale ah caddeyn u tahay sida ay uga go’an tahay Dowlad Goboleedka Jubbaland in laga ciribtiro Al shabaab deegaannada ay weli isku dayayaan inay ku dhuumaaleystaan.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday Howlgallo is-daba joogga ah oo ay wadeen ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya Danab iyo saaxiibada caalamiga ah kaa oo lagu wiiqayo awoodda kooxd Al shabaab.