Source
Captured Post Date: 2025-11-16 11:04:30
Translated Author: Future Media
Author: Mustaqbal Media
Translated Content:
More details are emerging about the airstrikes carried out by the US AFRICOM in the past few hours in areas under the city of Kismayo in the Lower Juba region.
A statement from the US military command said that the operation targeted members of the AS, and that it took place in an area 55 KM from the city of Kismayo.
“The airstrike took place approximately 55 km northeast of the city of Kismayo, targeting Al-Shabaab forces that pose a threat to Somalia and the region as a whole,” the AFRICOM statement said.
In addition, the AFRICOM command said that they will continue operations against the AS, in order to strengthen security in Somalia and the Horn of Africa region.
Future
Content:
Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo ay saacadihii la soo dhaafay ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ka fuliyeen deegaanno hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka Mareykanka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameydsaday xubno ka tirsan AS, isla markaasna uu dhacay goob 55 KM u jirta magaalada Kismaayo.
“Duqeymahan ayaa ka dhacay meel ku dhow 55 km waqooyiga-bari ee magaalada Kismayo, iyadoo la beegsaday awoodaha Al-Shabaab ee khatarta ku ah Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM
Sidoo kale, Taliska AFRICOM ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah AS, si loo xoojiyo amniga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.
Mustaqbal