Source
Captured Post Date:
Translated Author:
Author: Puntland Post
Translated Content:
Puntland security forces carried out a planned operation in the Adayle area of the Baallade stream on Friday, for the first time since the start of the Calmiskaad war, killing more than 15 Somali members in the operation yesterday. Peacebuilding consultancy
In this air and ground operation, Puntland forces bombed the caves of mostly Somali militias belonging to the ISIS faction, who were hiding in the Adayle area of the Baallade stream, approximately 26km southeast of the city of Bosaso.
Security sources in the Puntland forces also say that the operation destroyed the defenses of the terrorist faction in the Adayle area, who had previously escaped from the Sadow cave, after the previous operation in which the forces took over Sadow and Dacarre.
PUNTLAND POST
Content:
Ciidamada difaaca Puntland oo Jimcihii hawlgal qorshaysan ka fuliyay degaanka Cadayle ee togga Baallade ayaa markii u horraysay tan iyo intii uu bilowday dagaalka Calmiskaad, waxay hawlgalkii shalay ku dileen in ka badan 15 xubnood oo Soomaali ah.Peacebuilding consultancy
Hawlgalkan oo ahaa cir iyo dhul waxay ciidamada Puntland godadka ugu daateen mileeshiyaad Soomaali u badan oo ka tirsan firxadka Daacish, kuwaasi oo ku dhuumanayay degaanka Cadayle oo dhaca togga Baallade, islamarkaana qiyaastii 26km dhinaca koonfur bari ka xiga magaalada Boosaaso.
Ilo wareedyo amni oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegaya in hawlgalkaasi lagu burburiyay difaacyadii firxadka argagixisada ee degaanka Cadayle, kuwaasi oo horay uga soo firxaday godka Sadow, kaddib hawlgalkii hore ee ciidamadu kula wareegeen Sadow iyo Dacarre.
PUNTLAND POST