Source
Captured Post Date:
Translated Author:
Author: Radio Risaala
Translated Content:
Puntland Defense Forces have captured the largest ISIS command post in the Miraale area of Bari region. A statement from the Puntland Counter-Terrorism Operation Command said that the forces have been conducting several operations in several directions around Ceel Biyara, which was the largest ISIS command post for more than 10 years.
“It is one of the biggest achievements of Puntland, confirming that the last official ISIS command post has been fully captured, and it is believed that they have now fled to Togga Baalade’e.” the statement said. MIIRAALE: is one of the most populated Togga in the Calmiskaad Mountains, and Togga Jeceel & Ina Aadoole, which are located in many areas, have already been captured. The latest news says that the forces are conducting a security operation inside the command post and other areas that have been cleared of ISIS militants.
Content:
Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu waynaa ee Maleeshiyaadka Daacish ay ku lahaayeen aaga Miraale ee Gobolka Bari.War ka soo baxay Taliska Howlgalka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamada ay dhawr jiho ay ka wareereen Ceelka biyaha oo ahayd halkii ugu weyneyd oo Talis u ahayd kooxda Daacish, in ka badan 10kii sanno ee lasoo dhaafay.
“Waa kamid ah guulihii u waynaa oo ay Puntland gaartay, xaqiijinta in si buuxda gacanta loogu dhigay Taliskii u dambeeyey oo rasmi ah ee Argagixisada Daac1sh, waxaana la aaminsan yahay in ay hadda u firxadeen dhinaca Togga Baalade’e.” ayaa lagu yiri qoraalka.MIIRAALE: waa mid kamid ah Togaga ugu deegaanada badan Buuraleyda Calmiskaad, waxaana horey loo soo qabtay Togga Jeceel & Ina Caadoole, oo ay ku dhexyaalaan degaano badan.Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ay howlgal amniga xaqiijin ah ay ka wadaan gudaha Taliska iyo goobo kale oo laga saaray maleeshiyaadka Daacish.