Source


URL: https://www.facebook.com/reel/1515137339795369
Archive URL: https://airwars.org/source/www-facebook-com-feysal-al-ansar-1515137339795369-2025-11-15-151600/
Captured Post Date: 2025-11-15 15:16:00
Translated Author:
Author: Feysal Al Ansar
Translated Content:
Insha'Allah, we will see each other again..😭BREAKING: Airstrikes in Jamaame district caused deaths and injuries
News reaching us from Jamaame district in Lower Juba region indicate that airstrikes in the district have caused deaths and injuries to civilians.
Eyewitnesses said that the airstrikes took place last night, carried out by a US warplane, and that artillery shells also hit neighborhoods in the city.
Local sources confirm that at least 12 people were killed in the airstrikes, including 8 children, 3 women and one elderly man. It is also reported that 9 others were injured.
The airstrikes reportedly destroyed houses belonging to civilians in Jamaame district.
The local administration of the Al-Shabaab movement has provided medical assistance to the Somali people who were affected by the airstrikes.
Includes Video: Yes
Content:
Inshaallh walo aridonaa..😭DEG-DEG: Duqeyn ka dhacday degmada Jamaame oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac
Wararka naga soo gaaraya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqeymo ka dhacay gudaha degmada ay sababeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in duqeyntu ay dhacday habeenimadii xalay, taas oo ay geysatey diyaarad dagaal oo ay leedahay dowladda Mareykanka, sidoo kale waxaa madaafiic lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada.
Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 12 qof ay ku dhinteen duqeymahaasi, kuwaas oo ay ku jiraan 8 carruur ah, 3 dumar ah iyo hal nin oday ah. Sidoo kale, waxaa la soo werinayaa in 9 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Duqeymaha ayaa la sheegay inay burburiyeen guryo ay dad shacab ah lahayeen kuwaasi oo ku yaalla degmada Jamaame.
Maamulka deegaanka ee xarakada Alshabaab ayaa gargaar caafimaad u fidiyey Shacabka Soomaaliyeed ee duqeymaha ay khasaaraha kasoo gaartay.

Additional Details

Captured Date
2025-11-24 15:16:02
Captured Post ID
1515137339795369

Element