Source


URL: https://www.suuq-bacaadmedia.com/blog/africom-oo-sheegtay-iney-duqeyn-ka-geysatay-puntland
Archive URL: https://airwars.org/source/www-suuq-bacaadmedia-com-suuq-bacaad-media-2025-09-25-123233/
Captured Post Date: 2025-09-25 12:32:33
Translated Author: Media Market
Author: Suuq Bacaad Media
Translated Content:
(MOGADISHU) - Reports from the Somali capital Mogadishu indicate that the US Africa Command (AFRICOM) has carried out an airstrike against ISIS in the Al-Islamic Mountains of Puntland State. The strike took place about 37 miles southeast of Bosaso, the capital of Bari region, and targeted a hideout housing ISIS members. It is the second US airstrike in Puntland in two weeks. The previous strike took place in Sanaag region on September 13. AFRICOM said it killed a businessman who was supplying arms to Al-Shabaab, but local residents and traditional elders argued that the target was a well-known peacekeeper with no ties to Al-Shabaab. However, AFRICOM has carried out 79 airstrikes in Somalia this year alone, breaking the previous record set by the Trump administration. On the other hand, the former Puntland Police Chief, Gen. Abdi Hassan Hussein (Abdi Yare) said that the number of ISIS fighters in the Al-Calmisqaad mountains is between 150 and 200. He said that there are very few foreigners left in the mountains. A few days ago, a senior officer named. Gen. Abdi Ali Qalyare, the commander of the Second Brigade of the Puntland Dervish army, was killed in a roadside bomb. ISIS's power now seems to have gathered from the roadside bombs that Puntland soldiers and officials are hiding.XIGASH-HOL.
Content:
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Taliska Ciidanka Dowladda Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ey sheegeen iney duqeyn dhinaca cirka ah ku qaadeen kooxda Daacish oo ku dhuumaaleysaneysay buuraha Calmiskaad ee Dawlad Goboleedka Puntland. Duqeyntan ayaa ka dhacday meel qiyaastii 37 mayl Koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee ah caasimadda Gobolka Bari,waxaana lala bartilmaameedsaday godad ey ku jireen xubno ka tirsan kooxda Daacish. Waa duqayntii labaad oo labo todobaad gudihiis uu Maraykanku ka fuliyo gudaha Puntland. Duqeyntii ka horaysay waxay ka dhacday 13-kii Sebtembar gobolka Sanaag. AFRICOM waxay sheegtay in lagu dilay Ganacsade hub u kala gudbin jiray AL-Shabaab, balse dadka deegaanka iyo odayaasha dhaqanka ayaa ku dooday ninka la beegsaday inuu ahaa nabadoon caan ah oo aan xiriir la lahayn AL-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, AFRICOM ayaa sanadkan keliya Soomaaliya ka fulisay 79 duqeyn, taasoo jebisay rikoodhkii hore ee maamulka Trump. Dhinaca kale, taliyihii hore ee ciidanka Booliiska Puntland, Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa sheegay, tirada Daacishta ku jirta buuraha Calmiskaad iney gaarayaan inta u dhaxasya 150 ilaa 200 dagaalame. Wuxuu sheegay iney aad u kooban yihiin Ajaanibta ku harsan buuraha. Maalmo ka hor, sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray. Gen. Cabdi Cali Qalyare oo ahaa taliyihii Guuto Labaad ee ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa lagu dilay Qarax miino oo waddada loogu aasay. Awoodda Daacish ayaa hadda u muuqata iney kusoo ururtay Qaraxyada ey waddooyinka ugu qarinayaan ciidamada iyo saraakiisha Puntland.XIGASH-HOL.

Additional Details

Captured Date
2026-04-02 21:56:09
Captured Post ID

Element